Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

NIRA oo shaacisay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka lagu qaadan doono lacag?

Muqdisho –Wararka24:- Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya (NIRA) ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 31-ka Oktoobar 2025, qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka ay noqon doonto adeeg lacag lagu bixin doono, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
October 18, 2025, 12:13 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
NIRA oo shaacisay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka lagu qaadan doono lacag?
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Muqdisho –Wararka24:- Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya (NIRA) ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 31-ka Oktoobar 2025, qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka ay noqon doonto adeeg lacag lagu bixin doono, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay hay’addu soo saartay.

NIRA ayaa sheegtay in muddo xaddidan loo qabtay dhammaan muwaadiniinta aan weli qaadan kaarkooda inay si bilaash ah u dalbadaan inta ka horreysa 31-ka Oktoobar, ka hor inta aan adeeggaasi laga dhigin mid lacag leh.

“Muwaadiniinta aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka waxaa lagu wargelinayaa in ay fursad u haystaan inay si bilaash ah u dalbadaan kaarka illaa dhammaadka bisha Oktoobar,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda oo maanta lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Hay’addu ma aysan shaacin ilaa hadda lacagta rasmiga ah ee laga qaadi doono marka nidaamkan cusub la dhaqan geliyo, balse waxay sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha kor loogu qaadayo adeegyada diiwaangelinta iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta.

NIRA ayaa tilmaamtay in bixinta lacagta ay ka caawin doonto hay’addu inay si hufan u maamusho adeegyada, isla markaana kor loogu qaado tayada kaararka iyo nidaamka keydinta xogta dalka.

Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa la bilaabay sannadihii u dambeeyay si loo mideeyo xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la sheegay in kaarkaasi uu muhiim u yahay helitaanka adeegyada dowliga ah sida baasaboorka, canshuuraha, iyo nidaamka codbixinta doorashooyinka mustaqbalka.

Go’aankan cusub ee NIRA ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli muwaadiniin badan aysan weli helin kaarkooda sababo la xiriira dib u dhacyo farsamo iyo xaddidaad xagga xarumaha diiwaangelinta ah, gaar ahaan gobollada ka fog caasimadda Muqdisho.

Hay’addu waxay ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed inay si degdeg ah uga faa’iidaystaan mudada ka hadhay ee adeegga lacag la’aanta ah, si ay u helaan kaarkooda aqoonsiga qaranka ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee la cayimay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

1 day ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.