• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wararka24: Guddoomiyaha Maxkamadda Shute Dagaalka ayaan soo galnay, maxkamadi waan kasoo tagnay?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
Guddoomiyaha Maxkamadda

Guddoomiyaha Maxkamadda

Share

Guddoomiyaha Maxkamadda
Guddoomiyaha Maxkamadda Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute)

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab aan loo hayn meel looga haro, maadaama aysan wadin wax diin ah, balse ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Korneyl Shuute, oo tan iyo dhammaadkii February ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa si dhow uga qeyb qaadanaya hawlgalka lagu ciribtirayo Al Shabaab ee ka socda gobollada Hirshabelle.

Guddoomiyuhu ayaa Sabtidii dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Difaaca Shacabka ee ku sugan deegaanka Miiro, halkaas oo uu uga digay in ay fursad siiyaan Al Shabaab.

“Qof walba waxaa gacantiisa ku jira qalinkii uu taariikhdiisa ku qori lahaa. Haddii aad qortid mid wanaagsan, taariikhdaasi wey kuu qormeysaa, haddii aad qortid mid xun, sidoo kale wey kuu qormeysaa,” ayuu yiri Korneyl Shuute.

Wuxuu intaa ku daray in dadka reer Hirshabelle ay horey ugu dhinteen dagaallo beeleed, balse maanta ay haystaan fursad ay uga badbaadi karaan dhibaatooyinka Al Shabaab.

“Dagaalka Al Shabaab waa mid guul leh”

Korneyl Shuute ayaa xusay in dagaalka lagula jiro Al Shabaab uu yahay mid loo dhammaanayo, maadaama ay haatan la dagaallamayaan shacabka, dowladda, iyo ciidanka qalabka sida.

“Suubanaheenna (NNKH) ayaa yiri: ‘Haddii aad Khawaarij disho, janno ayaad gashaa. Haddii ay ku dilaan, janno ayaad gashaa.’ Labada natiijo waa guul,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale dadka deegaanka uga digay inay rumeystaan in Al Shabaab ay diin wadaan, isagoo xusay in diinta Islaamka ay ka baxsan yihiin.

“Khawaarij waxa loo yiri, diinta ayay bannaanka ka yihiin. Sideedaba nimankaasi shacabkii ayaa diiday oo waa kan dadkii deegaanka, dowladdiina wey diidan tahay, ciidankuna wey la dirirayaan,” ayuu ku nuuxnuuxsaday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Shuute: “Maxkamadii waan ka soo tagay, qoriga ayaan u soo qaatay dagaalka”

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo ku baaqay
Guddoomiyaha Maxkamadda Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute)

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in howshii uu maxkamadda ka hayay uu dib u dhigay, si uu dagaalka uga qeyb qaato.

“Waxaan u imid dagaalka anigoo qoriga wata. Waa inaan soo afjarnaa kooxdan,” ayuu yiri, isaga oo baaq u diray shacabka iyo ciidanka.

Korneyl Shuute ayaa maalmahanba booqanayay jiidaha dagaalka, isagoo shacabka u hogeeyey jihaadka lagula jiro Al Shabaab, taas oo muujineysa sida ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga go’an tahay ciribtirka Al Shabaab ee gobollada dalka.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah & Faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.