Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ururka Caalamiga ah ee Saxaafadda oo Cambaareeyay Dilka Weriye Abshir Shidaane

8-02-2026 Ururka caalamiga ah ee saxaafadda International Press Institute (IPI) ayaa si adag u cambaareeyay dilka weriye Soomaaliyeed Abshir Khaliif Shidaane, oo dhowaan lagu dilay magaalada Kismaayo ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 8, 2026, 11:27 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Ururka Caalamiga ah ee Saxaafadda oo Cambaareeyay Dilka Weriye Abshir Shidaane
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 8-02-2026 Ururka caalamiga ah ee saxaafadda International Press Institute (IPI) ayaa si adag u cambaareeyay dilka weriye Soomaaliyeed Abshir Khaliif Shidaane, oo dhowaan lagu dilay magaalada Kismaayo ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

War qoraal ah oo ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in dhacdadani ay tahay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhan ah saxafiyiinta Soomaaliya, iyadoo ururku muujiyay walaac ku saabsan badqabka warbaahinta dalka.

Abshir Khaliif Shidaane oo 25 jir ahaa ayaa fiidkii 2-da Maarso lagu dilay magaalada Kismaayo, kadib muran kooban oo dhex maray askari boolis ah oo ku sugnaa bar-koontarool. Wararka ayaa sheegaya in askariga uu bastoolad la baxay isla markaana hal xabbad ku dhuftay weriyaha, taas oo sababtay dhimashadiisa.

Ururka IPI ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay sameyso baaritaan madax-bannaan oo dhamaystiran si loo ogaado waxa dhacay isla markaana loo helo caddaalad laguna xisaabtamo dadka ka dambeeya falalka ka dhanka ah saxafiyiinta.

Agaasimaha u doodista ee ururka IPI, Amy Brouillette, ayaa sheegtay in ururkoodu si adag u cambaareynayo toogashada weriyaha, isla markaana ay la murugoonayaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed.

Ururku wuxuu xusay in tan iyo sanadkii 2010 tobannaan saxafi lagu dilay Soomaaliya, iyadoo inta badan aan la helin caddaalad ama lala xisaabtamin dadka ka dambeeyay falalkaas.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

13 minutes ago
QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

6 hours ago
Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

7 hours ago
Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

7 hours ago
Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

8 hours ago
Maxkamada jarmalka oo so tarxiileyso Xidigta jarmalka kadib markii eey booqatay somaliland

Maxkamada jarmalka oo so tarxiileyso Xidigta jarmalka kadib markii eey booqatay somaliland

2 days ago
Finland oo diiday lacag loogu talagalay mashaariic Soomaaliya kadib khilaaf ku saabsan

Finland oo diiday lacag loogu talagalay mashaariic Soomaaliya kadib khilaaf ku saabsan

2 days ago
Madaxa Nvidia oo baaritaan loogu furay xiriir uu la lahaa

Madaxa Nvidia oo baaritaan loogu furay xiriir uu la lahaa

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.