Wararka24:Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay la soo xiriireen maamulkiisa, ayna ka codsadeen Washington inaysan faragelin dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya kooxda iyo Sacuudi Carabiya.
Trump ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay u sheegeen Mareykanka inaysan doonayn inay la dagaallamaan ciidamada Mareykanka, isla markaana aysan rabin in Washington ay si toos ah uga qeyb qaadato dagaalka. Hadalka madaxweynaha ayaa yimid xilli Xuutiyiintu ay horumarro ka sameeyeen xeebaha Badda Cas iyo agagaarka marin-biyoodka Bab al-Mandab.
“Xuutiyiinta ayaa nala soo xiriiray, waxayna noo sheegeen inaysan dooneyn inay nala dagaallamaan,” ayuu Trump yiri, isaga oo intaas ku daray in kooxda ay oggolaanayso in maraakiib badan ay maraan Badda Cas, inkastoo uu sheegay inay jirto hal dal oo aysan si gaar ah ugu faraxsaneyn.
Hadallada Trump ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiintu ay qabsadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla galbeedka Yemen, oo ay ku jirto jasiiradda Mayun ee ku taalla marin-biyoodka Bab al-Mandab. Horumarkaasi ayaa kordhiyay walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga iyo dhoofinta shidaalka ee gobolka.
Dhanka kale, Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman ayaa laba jeer taleefan kula hadlay Trump toddobaadkan, isagoo ka codsaday Mareykanka inuu duqeymo ka fuliyo Yemen oo lagu bartilmaameedsado Xuutiyiinta. Sida ay sheegtay Axios, Trump ayaa diiday faragelin milatari oo toos ah, balse Washington waxay Riyadh siinaysaa xog sirdoon iyo macluumaad ku saabsan bartilmaameedyada Xuutiyiinta.
Xiisadda ayaa sidoo kale sii xoogeysatay kadib weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday dhuumaha shidaalka ee Bariga-Galbeed Pipeline ee Sacuudi Carabiya. Riyadh ayaa si ku-meel-gaar ah u xirtay dhuumaha oo dhererkoodu yahay qiyaastii 1,200 kiiloomitir, kuwaas oo qaadi kara afar ilaa shan milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii.
Ciraaq ayaa sheegtay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in weerarku ka yimid dhulkeeda, waxaana dowladda Baghdad ay qaaday tallaabooyin ay ku jiraan xil-ka-qaadista taliyihii ciidamada gobolka Maysan. Ilaa hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inaysan hadda qaadi doonin tallaabo aargoosi ah, si dowladda Ciraaq fursad loo siiyo inay baaritaanka sii waddo. Trump ayaa isna sheegay inuu u maleynayo in Iran ay u badan tahay inay ku lug leedahay weerarka, balse ma uusan soo bandhigin caddeyn rasmi ah oo arrintaas xaqiijinaysa.
Xaaladda ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in dagaallada Yemen iyo xiisadda Iran ay si wadajir ah u saameeyaan labada marin-biyood ee Bab al-Mandab iyo Hormuz, kuwaas oo muhiim u ah isu socodka ganacsiga iyo shidaalka caalamka.







