Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in wada hadallo u socdaan dalkiisa iyo Iiraan, xilli xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay sii kacsan tahay.
Hadalka Trump ayaa yimid iyadoo dowladda Iiraan ay si cad u beenisay jiritaanka wada hadallo toos ah, kuna tilmaantay arrintaas war aan jirin.
Dhanka kale, weerarro isdaba joog ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lagu qaaday gudaha Iiraan, kuwaas oo sababay khasaaro naf iyo maalba leh.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 12 qof lagu dilay weerar ka dhacay koonfurta magaalada Tehran, halka 28 kalena ay ku dhaawacmeen.
Isla waqtigaas, Iiraan iyo ururka Hezbollah ayaa qaaday weerarro gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, kuwaas oo saameyn ku yeeshay Tel Aviv iyo deegaanno kale.
Dhinaca Lubnaan, ciidamada Israa’iil ayaa sii xoojiyay howlgalladooda milatari, iyadoo la soo wariyay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay duqeymo ka dhacay koonfurta dalkaas.
Xaaladda guud ee gobolka ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in colaaddan ay isu beddesho mid ballaaran oo saameyn ku yeelata dalal badan.

















