• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dagaalka maanta ka qarxay bariga dhexe Falcelinada…

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dagaalka maanta ka qarxay bariga dhexe Falcelinada…
Share

Wararka24: 28-02-2026 Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay dagaalka maanta ka qarxay Bariga Dhexe, kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerar ku qaadeen Tehran, halka Iiraan ay si degdeg ah jawaab uga bixisay iyadoo beegsatay saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla dalalka Khaliijka.

Qaraxyo ayaa laga maqlay waddamo ay ka mid yihiin Qatar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxreyn iyo Kuwait, iyadoo dowladahaasi ay soo saareen bayaano kala duwan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay xaq u leeyihiin is-difaac, isla markaana aysan aqbali doonin weerarro lagu soo qaado dhulkooda.

Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareysay gantaallada lagu soo tuuray, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.

Qatar ayaa iyaduna sheegtay in weerarka lagu qaaday dhulkeeda uu dhaawacayo madaxbannaanida qaranka, halka Kuwait ay ku tilmaantay gantaallada ku dhacay gudaha dalkeeda xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Dalalkan ayaa badankood martigeliya xarumo iyo saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Xaaladda gobolka ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaalku sii fido oo uu saameeyo dalal kale. Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo muujinaya in la gaaray dadaal diblomaasiyadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda sii xoogeysaneysa.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.