Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Somaliland Oo BBC Uga Warramtay Shirkii Davos Iyo Lakulankii Eric Trump.

24-01-2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland ku yeeshay kulammo heer sare ah oo dhinac socday Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashi…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 24, 2026, 3:00 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Somaliland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 24-01-2026 Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland ku yeeshay kulammo heer sare ah oo dhinac socday Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashi yada calamiga ah.

Kulammadaasi waxaa ka mid ahaa wada-hadallo uu Madaxweyne Cirro la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyo Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isla markaana ah madaxweyne ku-xigeenka fulinta ee Trump Organization. Kulammadan ayaa ka dhacay Davos oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin sar-sare iyo ganacsato caalami ah.

My remarks at the sidelines dinner of the World Economic Forum in Davos, Switzerland. pic.twitter.com/7gRoIi1JmU

— Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) January 23, 2026

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in wada-hadalladu ay diiradda saareen iskaashi dhaqaale, fursado maalgashi iyo doorka istiraatiijiyadeed ee Somaliland ee marinnada ganacsiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in dalku u furan yahay maalgashi, isaga oo si gaar ah u muujiyay muhiimada dekedda biyaha-dheer ee Berbera.

La-taliyaha sare ee dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in kulanka Eric Trump looga hadlay fursadaha ganacsi ee Somaliland, isla markaana uu muujiyay daneyn muuqata.

“Waxaan u sharraxnay Somaliland iyo khayraadkeeda, isaguna wuxuu muujiyay xiise uu u qabo Somaliland iyo fursadaha ay leedahay. Arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa sidii maalgeliyeyaal caalami ah loogu soo jiidi lahaa xoolaha nool iyo beeraha, si aan u warshadaynno ungana dhoofinno suuqyada caalamka. Dhanka kale, hoggaamiyeyaal kale oo dunida ah ayaannu la wadaagnay khayraadkeenna dabiiciga ah sida gaaska iyo macdanaha,” ayuu yiri Dr Bayle.

Dr Bayle ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in hab-fekerka dowladda Somaliland uu isbeddelay.
“Markii ugu horreysay, dunida kama codsanayno gargaar. Waxaan u soo bandhigaynaa khayraadkeenna. Shacabkeenna waa dad u furan iskaashi, maalgashi iyo koboc daqaale,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Eric Trump ayaa ka qeybgalay kulan kale oo gaar ah oo lagu qabtay Davos Lodge, kaas oo cinwaankiisu ahaa Isbeddellada Caalamiga ah iyo Fursadaha Suuqyada Horumaray. Kulankaasi wuxuu ahaa mid martiqaad gaar ah oo aan si rasmi ah loo shaacin liiska martida.

BBC Somali ayaa sheegtay inay si gaar ah u hubisay sawirro uu Madaxweyne Cirro la wadaagay bulshada, ayna ka aqoonsatay mas’uuliyiin sar-sare oo ka qeybgalay shirka, iyada oo adeegsaneysa xog furan iyo ilo kale. Mas’uuliyiinta la xaqiijiyay waxaa ka mid ahaa Nir Barkat, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha Israa’iil, oo hore u soo noqday duqa magaalada Qudus, isla markaana door muhiim ah ku leh diblomaasiyadda dhaqaale ee Israa’iil.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

12 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.