• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Ciidamada Kenya oo fashiliyey isku day Al-Shabaab ay ku geli lahaayeen Mandera

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Kenya oo fashiliyey isku day Al-Shabaab ay ku geli lahaayeen Mandera
Share

Wararka24: Ciidamada gaarka ah ee Kenya ayaa fashiliyey isku day ay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ku doonayeen inay kaga soo gudbaan xadka Kenya ee gobolka Mandera, kadib howlgal ay ku fuliyeen xog sirdoon oo ay heleen.

Laanta la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa sheegtay in ciidamada ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kooxda, xilli ay socdeen dabaaldegyada Ciidda, iyadoo lagu beegsaday duleedka deegaanka Sarira.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in laba ka mid ah dagaalyahannada la dilay, afar kalena ay dhaawacmeen, halka xubnihii kale ay dib ugu carareen gudaha Soomaaliya kadib rasaas culus oo lagu furay.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay dib u furto xadka Mandera bisha Abriil, kadib sanado badan oo uu xirnaa.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa horay u sheegay in xirnaanshaha xadka uu saameyn ku yeeshay nolosha shacabka iyo ganacsiga, isagoo ballan qaaday in la xoojin doono ammaanka si loo fududeeyo furitaanka xadka.

Ruto ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay bixiyaan xog kasta oo ka hortagi karta khataraha amni.

Xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa la xiray sanadkii 2011, kadib weerarro ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya, iyadoo dadaallo hore oo dib loogu furayay aysan hirgelin.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.