• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Nin lagu eedeeyay basaasidda Ramla Cali iyo kooxdiisa oo la xukumay

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Nin lagu eedeeyay basaasidda Ramla Cali iyo kooxdiisa oo la xukumay
Share

Wararka24: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno kala duwan ku ridday eedeysaneyaal lagu helay falal la xiriira basaasid iyo taageeridda kooxo hubeysan, kadib markii lagu eedeeyay inay bartilmaameedsadeen feeryahanadda Soomaaliyeed Ramla Cali.

Eedeysanaha ugu weyn Cabdisalaam Maxamed Xasan oo loo yaqaan Aamusane ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu ka tirsanaa shabakad uruurisa xogaha amniga iyo abaabulka falal halis ah tan iyo sanadkii 2014.

Maxkamaddu waxay sheegtay in eedeysanaha uu sahmiyay goobo muhiim ah, islamarkaana gudbiyay xog ku saabsan xarumo dowladeed iyo bartilmaameedyo ay ka mid ahayd Ramla Cali oo booqasho ku timid Muqdisho.

Sidoo kale Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, halka Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed lagu kala xukumay min hal sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay inay gabaad siiyeen eedeysaneyaasha.

Dhanka kale, Cabdullahi Cusmaan Maxamed ayaa la sii daayay kadib markii maxkamaddu sheegtay in aan loo helin caddeymo ku filan oo muujinaya inuu dib ugu laabtay falal la xiriira argagixisada, iyadoo la tixgeliyay doodda qareenkiisa.

Xeer ilaalinta ciidamada ayaa sheegay in kiiskan uu yimid kadib baaritaanno dheer, isla markaana maxkamaddu ay waqti ku filan siisay dhammaan dhinacyada ka hor inta aan la gaarin go’aanka kama dambaysta ah.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.