Washington – Wararka24:
Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay diyaar u tahay oggolaanshaha iibka diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee tiknoolajiyadda sare leh,
kuwaas oo ay heli karto Boqortooyada Sacuudiga. Arrintan ayaa abuurtay walaac siyaasadeed iyo mid amni, maadaama Israa’iil si cad uga soo horjeeddo qorshahaas.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Sacuudiga uu weli yahay xulufo istaraatiiji ah oo muhiim u ah amniga gobolka, isla markaana heshiisyada difaaca ee labada dal ay sii ballaaran doonaan mustaqbalka dhow.
Warbixino laga helay ilo amni ayaa sheegaya in iibka diyaaradaha F-35 uu noqon karo in ka badan 40 diyaaradood mustaqbalka, taasoo qeyb ka noqon karta xiriir milatari oo sii xoogeysanaya.
Diblomaasiyiin la socda wadaxaajoodyada ayaa tilmaamay in Israa’iil ka cabsi qabto in tiknoolajiyadda casriga ah ee F-35 ay saamayn ku yeelato awooddeeda militari ee gobolka, taas oo Washington hore u ballanqaaday in la ilaalinayo.
Saraakiil Maraykan ah oo dhanka difaaca ah ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan in xogta farsamada diyaaradaha ay u gudbi karto Shiinaha, maadaama Sacuudigu xiriir ganacsi iyo maalgashi tiknoolajiyadeed la leeyahay Beijing.
Dhanka Sacuudiga, falanqeeyayaal ayaa sheegay in Boqortooyadu doonayso in ay hesho awood ciidan oo casri ah oo qayb ka noqota qorshaha Vision 2030, gaar ahaan xilli ay jiraan tartamo xooggan oo dhanka siyaasadda iyo amniga gobolka ah.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in arrintan ay saamayn ku yeelan karto dadaallada Mareykanku uu ku doonayo inuu ku xaliyo kala fogaanshaha u dhexeeya Tel Aviv iyo Riyadh, kuwaas oo lagu waday inay qaab cusub u wajahaan xiriirka mustaqbalka.














