• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..
Share

Muqdisho – Wararka24: Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kasoo degay Garoonka Aadan Cadde kadib muddo uu dalka dibaddiisa kaga maqnaa. Soo laabashadiisa ayaa dhacaysa xilli caasimaddu ay ka jirto dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo sii kululaanaya.

Farmaajo waxaa garoonka kusoo dhaweeyay xildhibaano, siyaasiyiin hore iyo dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay afaafka garoonka. Dadka goobta joogay ayaa sheegay in diyaar garow ballaaran uu ka socday gudaha iyo bannaanka garoonka saacado kahor imaanshihiisa.

Soo laabashada madaxweynihii hore ayaa kusoo beegmaysa iyadoo magaalada ay maalmahan ku qulqulayeen siyaasiin iyo hoggaamiyeyaal mucaarad ah oo abaabulaya kulamo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo sidii loo sameyn lahaa isbahaysi cusub.

Wararka laga helayo xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa tilmaamaya in Farmaajo uu qorsheynayo kulamo uu la yeesho siyaasiyiin, xildhibaanno iyo qaybaha bulshada, inkastoo weli aan si rasmi ah loo shaacin doorka uu ka qaadan doono tartanka siyaasadeed ee soo socda.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada ka taagnaa hadal heyn ku saabsan diyaar garowga doorashooyinka, iyadoo mucaaradku ay dhaliil xooggan u jeedinayeen qaabka ay dowladda u waddo habraaca doorashada.

Imaanshaha Farmaajo ayaa hadda sii kordhiyay xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisho, maadaama uu yahay siyaasi weli leh taageero muuqata oo ka jirta caasimadda iyo qaybo kale oo dalka ah.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.