Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Talaadadii si kulul uga hadlay go’aanka waddamada xulafada la ah ee NATO, kuwaas oo ku wargeliyay Washington inaysan doonayn inay qayb ka noqdaan howlgal milateri oo ka dhanka ah Iiraan. Trump ayaa tallaabadan ku sifeeyay “khalad weyn oo nacasnimo ah.”
Isagoo kula hadlayay weriyeyaasha Xafiiska Oval ee Aqalka Cad xilli uu booqasho ku joogay Ra’iisul Wasaaraha Ireland, Micheal Martin, Trump ayaa sheegay in NATO ay dhab ahaan taageersan tahay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil, balse aysan diyaar u ahayn inay si toos ah uga qeyb qaataan howlgal milateri. “Qof kasta wuu nagu raacsan yahay, laakiin ma doonayaan inay na caawiyaan. Annaguna, Mareykan ahaan, waa inaan taas xusuusannaa sababtoo ah waxaan u aragnaa arrin aad loola yaabo,” ayuu yiri.
Markii laga weydiiyay in uu aargoosi ka qaadi doono dalalka dib u guray, Trump ayaa sheegay inuusan xilligan wax qorshe ah ku haynin. Si kastaba, wuxuu hore uga digay in Mareykanka ka bixi karo NATO, inkastoo arrintaas aanan Talaadadii si rasmi ah uga hadlin.
Trump ayaa sidoo kale ku celiyay in Marinka Hormuz, oo marto boqolkiiba 20 shidaalka adduunka, uu muhiim u yahay amniga caalamka, isla markaana dalalka xulafada ah looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan ilaalintiisa.
Wuxuu sheegay in guulaha milateri ee Mareykanka la gaaray awgeed aysan Washington u baahnayn taageero dheeri ah, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay dalalka Japan, Australia, iyo Kuuriyada Koonfureed.
Tallaabadan ayaa timid xilli Iiraan ay adeegsatay diyaarado aan duuliyaha lahayn, gantaallo, iyo miinooyin si ay u xirto Marinka Hormuz, ka dib duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil. Dalalka xulafada ah ayaa caddeeyay inaysan degdeg u diri doonin maraakiib si ay gacan uga geystaan furiddiisa, taas oo meesha ka saartay codsiga Trump ee taageero milateri oo caalami ah.


















