Wararka24: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa shaaciyay in maanta magaalada Arusha lagu dhaariyay xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Safiirka ayaa sheegay in talaabadan ay tahay guul siyaasadeed oo muhiim ah oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay muujinayso doorka sii kordhaya iyo ka qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka EAC.
Mudane Ilyas Cali Xasan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka isdhexgalka, iskaashiga dhaqaale, nabadda, iyo horumarka dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Ugu dambayn, safiirka ayaa u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu sheegay in uu door weyn ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo ka qaybgalka Soomaaliya ee ururka EAC.


















