Wararka24: 20-02-2026 Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga dekedaha iyo horumarinta kaabeyaasha badda, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan baabi’isay heshiisyadii hore ee ay la lahayd Isutagga Imaaraadka Carabta.
Heshiiskan cusub ayaa lagu saxiixay kulan rasmi ah oo ay yeesheen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo hay’adaha ay khusayso ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo lagu heshiiyay in Sacuudigu ka qeyb qaato maalgelinta, casriyeynta iyo ballaarinta dekedaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in iskaashigan cusub uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda dekedaha dalka, si loo kordhiyo ganacsiga, shaqo abuurka iyo isku-xirka Soomaaliya ee suuqyada caalamka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay ka baxday heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay ku eedeysay faragelin ku wajahan madax-bannaanida iyo midnimada dalka, arrintaas oo keentay in la joojiyo wada-shaqeyntii dhanka amniga iyo dekedaha.
Dhinaca Sacuudiga, masuuliyiinta Riyadh ayaa sheegay in Boqortooyadu ay diyaar u tahay inay taageerto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dekedaha, maadaama ay muhiim u yihiin isu-socodka ganacsiga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Heshiiskan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto dadaallo ay ku doonayso inay dib u habeyn ku sameyso iskaashiyada ay la leedahay dalalka gobolka iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo xoojiyo madax-bannaanida dhaqaale iyo horumarka kaabeyaasha dalka.





















