Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF oo si adag u cambaareysay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland iyo damaceeda

20-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, waxayna ka digtay qorshe ay sheegtay in Tel Aviv damacsan tahay oo la xiriira in shacabka Falastiiniyiinta si qasab ah loogu raro dalal…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 20, 2026, 11:20 am EAT
Reading Time: 2 mins read
DF oo si adag u cambaareysay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland iyo damaceeda
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 20-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, waxayna ka digtay qorshe ay sheegtay in Tel Aviv damacsan tahay oo la xiriira in shacabka Falastiiniyiinta si qasab ah loogu raro dalal kale, oo ay ku jirto Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale), ayaa hadalkan ka jeediyay fadhi Golaha Ammaanka ah, isagoo ku tilmaamay tallaabooyinka Israa’iil xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa ka digay in arrintan ay Geeska Afrika gelin karto xaalad kacsanaan iyo qalalaase, isla markaana ay si toos ah u saameyn karto amniga iyo xasilloonida gobolka, maadaama ay colaadaha Bariga Dhexe sii dhex milmi karaan gobolka.

Abuukar Baale ayaa sheegay in isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu soo rogo xaqiiqooyin siyaasadeed oo cusub qaaradda Afrika uu jebinayo mabaadi’da xeerarka caalamiga ah, isla markaana uu halis ku yahay nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraamka madaxbannaanida dalalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale si cad u diidday hindise kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta si khasab ah looga barakiciyo deegaannadooda ama loogu raro dalal kale, iyadoo Safiirka Soomaaliya uu tallaabadaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah iyo xeerarka bani’aadannimo.

Safiirka ayaa xusay in xaaladda bani’aadannimo ee Marinka Gaza ay weli tahay mid aad u liidata, inkastoo ay jirto xabbad-joojin jilicsan, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay dardargeliso gaarsiinta gargaarka si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada xuquuqda shacabka Falastiin ee ah in ay helaan dowlad madax-bannaan, isla markaana ay ka hortagayso tallaabo kasta oo ay u aragto faragelin shisheeye oo wiiqaysa sharciga caalamiga ah iyo xuduudaha caalamku u aqoonsan yahay Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

21 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

21 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

23 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.