• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Masar iyo Israel oo laga cabsi qabo inuu Dagaal ku dhexmaro Soomaaliya kadib markii…

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Masar iyo Israel oo laga cabsi qabo inuu  Dagaal ku dhexmaro Soomaaliya kadib markii…
Share

Wararka24: 20-02-2026 Warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay qiimeyn amni oo ka digaysa in xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Israa’iil ee ku saabsan Geeska Afrika ay gaartay heer xasaasi ah, taasoo kordhinaysa cabsi laga qabo in gacan-ka-hadal milatari oo dadban ama mid toos ah uu labada dal ku dhex maro gudaha Soomaaliya.

Shabakadda wararka ee afka Cibraaniga ku hadasha ee Natsiv Net ayaa sheegtay in dhacdooyin isdaba-joog ah tan iyo bishan Febraayo 2026 ay muujinayaan tartan xooggan oo u dhexeeya Qaahira iyo Tel Aviv, kaas oo salka ku haya faragelintooda sii kordheysa ee arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

Warbixintu waxay tilmaantay in aqoonsigii Israa’iil ay siisay Somaliland 26-kii Diseembar 2025 uu noqday barta isbeddelka xiisadda, tallaabadaas oo ay si adag u cambaareeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Masar. Sida lagu sheegay warbixinta, Qaahira waxay aqoonsigaas u aragtaa mid xadgudub ku ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo isku-day Israa’iil ku doonayso inay saldhig istiraatiiji ah uga sameysato marinka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dhanka kale, warbixintu waxay xustay in Masar ay dardargelisay joogitaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah askartaasi ay ka tirsan yihiin howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika, halka kuwo kalena ay ku sugan yihiin heshiis difaac oo laba-geesood ah oo ay Qaahira la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa xustay in 11-kii Febraayo 2026 Masar ay dhoolatus milatari ku qabatay Qaahira, kaas oo uu marti ku ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Warbaahinta Israa’iil ayaa dhoolatuskaas ku sifeysay farriin is-muujin ah oo si dadban ugu wajahan Israa’iil iyo Itoobiya.

Inkasta oo aysan jirin bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Masar ama Israa’iil oo muujinaya diyaargarow dagaal toos ah, haddana qiimeyntan amni waxay muujinaysaa heerka xasaasiga ah ee loolanka quwadaha shisheeye ee ka socda Geeska Afrika, iyo khatarta ah in Soomaaliya mar kale noqoto fagaaraha lagu hardamo saameynta gobolka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.