Wararka24: Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis isfaham (MoU) oo ku saabsan iskaashiga sahminta iyo horumarinta macdanta muhiimka ah.
Heshiiskan waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Daahir Shire Maxamed, halka dhinaca West Virginia uu u saxiixay Xoghayaha Senate-ka gobolkaas Kris Warner.
Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday aqalka Senate-ka ee West Virginia, waxaana goob-joog ka ahaa wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in heshiisku uu diiradda saarayo sahminta, soo saarista iyo farsamaynta macdanta muhiimka ah, iyadoo sidoo kale la xoojinayo is-weydaarsiga aqoonta farsamada iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
Heshiiskan ayaa sidoo kale ujeedkiisu yahay in la horumariyo silsiladda qiimaha ee macdanta Soomaaliya, lana abuuro fursado maalgashi oo ay ka faa’iideysan karaan shirkadaha iyo hay’adaha labada dhinac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in iskaashigan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, si loo kobciyo dhaqaalaha loona abuuro fursado




















