Wararka24: 18-02-2026 Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka furmaya xarunta Villa Soomaaliya, kaddib wadatashiyo iyo kulamo hordhac ah oo shalay dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha golaha, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in lagu heshiiyay in wada-hadalladu ka dhacaan Madaxtooyada, iyadoo dhinacyada mucaaradka la siiyay damaanad amni oo buuxda. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii hore ay jireen diidmo ku aaddan in kulanka lagu qabto Villa Soomaaliya.
Wada-hadallada maanta furmaya ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah.
Dhinacyada ayaa si weyn ugu kala aragti duwan qodobadan, balse waxaa la filayaa in la raadiyo is-afgarad lagu gaari karo xal guud oo dalka ka saara xaaladda cakiran.
Shirka ayaa si dhow loola soconayaa, waxaana taageero iyo cadaadis ku wada jira beesha caalamka oo ku boorrisay dhinacyada inay furaan wada-hadallo rasmi ah si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed.
Xalay ayay sidoo kale Muqdisho ku kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kulankaas oo muujiyay isku soo dhowaansho u dhaxaysa saddexda dhinac, isla markaana looga hadlay diyaar garowga shirka maanta furmaya.
Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo bini’aadannimo, oo ay ka mid yihiin muranka hannaanka doorashooyinka, wax ka beddelka Dastuurka, iyo saameynta abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka.


















