Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta kadhacaya Villa Somalia

18-02-2026 Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka furmaya xarunta Villa Soomaaliya, kaddib wadatashiyo iyo kulamo hordhac ah oo shalay dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha golaha, oo ay ku jiraan…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 18, 2026, 1:00 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Shirka  Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta kadhacaya Villa Somalia
Share

Wararka24: 18-02-2026  Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka furmaya xarunta Villa Soomaaliya, kaddib wadatashiyo iyo kulamo hordhac ah oo shalay dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha golaha, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in lagu heshiiyay in wada-hadalladu ka dhacaan Madaxtooyada, iyadoo dhinacyada mucaaradka la siiyay damaanad amni oo buuxda. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii hore ay jireen diidmo ku aaddan in kulanka lagu qabto Villa Soomaaliya.

Wada-hadallada maanta furmaya ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Dhinacyada ayaa si weyn ugu kala aragti duwan qodobadan, balse waxaa la filayaa in la raadiyo is-afgarad lagu gaari karo xal guud oo dalka ka saara xaaladda cakiran.

Shirka ayaa si dhow loola soconayaa, waxaana taageero iyo cadaadis ku wada jira beesha caalamka oo ku boorrisay dhinacyada inay furaan wada-hadallo rasmi ah si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed.

Xalay ayay sidoo kale Muqdisho ku kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kulankaas oo muujiyay isku soo dhowaansho u dhaxaysa saddexda dhinac, isla markaana looga hadlay diyaar garowga shirka maanta furmaya.

Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo bini’aadannimo, oo ay ka mid yihiin muranka hannaanka doorashooyinka, wax ka beddelka Dastuurka, iyo saameynta abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

24 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.