• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta kadhacaya Villa Somalia

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Shirka  Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta kadhacaya Villa Somalia
Share

Wararka24: 18-02-2026  Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka furmaya xarunta Villa Soomaaliya, kaddib wadatashiyo iyo kulamo hordhac ah oo shalay dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha golaha, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in lagu heshiiyay in wada-hadalladu ka dhacaan Madaxtooyada, iyadoo dhinacyada mucaaradka la siiyay damaanad amni oo buuxda. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii hore ay jireen diidmo ku aaddan in kulanka lagu qabto Villa Soomaaliya.

Wada-hadallada maanta furmaya ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Dhinacyada ayaa si weyn ugu kala aragti duwan qodobadan, balse waxaa la filayaa in la raadiyo is-afgarad lagu gaari karo xal guud oo dalka ka saara xaaladda cakiran.

Shirka ayaa si dhow loola soconayaa, waxaana taageero iyo cadaadis ku wada jira beesha caalamka oo ku boorrisay dhinacyada inay furaan wada-hadallo rasmi ah si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed.

Xalay ayay sidoo kale Muqdisho ku kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kulankaas oo muujiyay isku soo dhowaansho u dhaxaysa saddexda dhinac, isla markaana looga hadlay diyaar garowga shirka maanta furmaya.

Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo bini’aadannimo, oo ay ka mid yihiin muranka hannaanka doorashooyinka, wax ka beddelka Dastuurka, iyo saameynta abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.