Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xogta shirka Xasan Sheekh iyo mucaaradka iyo Xliga as si rasmi ah u furmayo

19-02-2026 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta martigelinaysa shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland, kaddib wada-hadallo horudhac ah oo maalmahan ka socday Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 19, 2026, 9:43 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Xogta shirka Xasan Sheekh iyo mucaaradka iyo Xliga as si rasmi ah u furmayo
Share

Wararka24: 19-02-2026 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta martigelinaysa shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland, kaddib wada-hadallo horudhac ah oo maalmahan ka socday Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shirka si rasmi ah u furmi doono 11:00 barqanimo, waxaana furitaanka hoggaamin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo kulanka lagu bilaabayo hab-maamuus rasmi ah.

Furitaanka shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda guud ee dalka, kadibna loo gudbi doono qodobada la isku waafaqsan yahay, halka qodobada muranka badan dhaliyay, oo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah, loo qorsheeyay in laga wada hadlo maalmaha xiga.

Go’aanka lagu qabtay shirka gudaha Madaxtooyada ayaa yimid kaddib markii xubnaha Golaha Mustaqbalka ay hore uga caga-jiidayeen gelitaanka Villa Soomaaliya.

Tabashooyinkaas ayaa lagu xalliyay wada-hadallo horudhac ah oo Talaadadii dhacay, iyadoo dhinacyada mucaaradka la siiyay damaanad amni oo buuxda.

Habeenkii Talaadada, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, waxaana kulankaas lagu sheegay inuu gacan ka geystay dejinta khilaaf hore u jiray iyo diyaarinta jawi wadahadal oo u sahla qabsoomidda shirka maanta furmaya.

Shirka maanta furmaya ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo xaalado bani’aadannimo oo ka dhashay abaaro baahsan, iyo khilaaf siyaasadeed oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, waxaana si dhow loola soconayaa natiijada ka soo baxda wada-hadalladan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

23 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

24 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.