Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed

19-02-2026 Senator ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka, Lindsey Graham, ayaa beeniyay warar maalmahan ku faafayay baraha bulshada oo la xiriiray xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 19, 2026, 10:00 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 19-02-2026 Senator ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka, Lindsey Graham, ayaa beeniyay warar maalmahan ku faafayay baraha bulshada oo la xiriiray xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Graham ayaa sheegay inuu kulan uu la qaatay madaxweynaha Imaaraadka muddo ku dhow 90 daqiiqo, isla markaana uu ku arkay xaalad caafimaad oo wanaagsan iyo firfircooni, isagoo beeniyay wararka sheegaya in hoggaamiyaha Imaaraadka uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo liidata.

Wararka la isla dhex marayay ayaa soo xoogaystay kaddib markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu si lama filaan ah u baajiyay safar uu ku tegi lahaa Abu Dhabi, iyadoo markii hore xafiiskiisa la xiriiriyay baajinta safarka xaalad caafimaad oo lasoo deristay hoggaamiyaha Imaaraadka.

Wakaaladda Wararka Imaaraadka ayaa baahisay muuqaallo muujinaya Senator Graham iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed oo ku kulmaya qasriga Al Shati ee Abu Dhabi, si loo muujiyo in madaxweynuhu ku sugan yahay xaalad caadi ah.

Dhinaca kale, falanqeeyayaal ayaa sheegay in wararka la beeniyay ay muujinayaan sida ay baraha bulshada u saameeyaan hadal-heynta siyaasadeed ee gobolka, isla markaana warar aan la xaqiijin ay si degdeg ah u faafaan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

18 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

19 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.