• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed
Share

Wararka24: 19-02-2026 Senator ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka, Lindsey Graham, ayaa beeniyay warar maalmahan ku faafayay baraha bulshada oo la xiriiray xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Graham ayaa sheegay inuu kulan uu la qaatay madaxweynaha Imaaraadka muddo ku dhow 90 daqiiqo, isla markaana uu ku arkay xaalad caafimaad oo wanaagsan iyo firfircooni, isagoo beeniyay wararka sheegaya in hoggaamiyaha Imaaraadka uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo liidata.

Wararka la isla dhex marayay ayaa soo xoogaystay kaddib markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu si lama filaan ah u baajiyay safar uu ku tegi lahaa Abu Dhabi, iyadoo markii hore xafiiskiisa la xiriiriyay baajinta safarka xaalad caafimaad oo lasoo deristay hoggaamiyaha Imaaraadka.

Wakaaladda Wararka Imaaraadka ayaa baahisay muuqaallo muujinaya Senator Graham iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed oo ku kulmaya qasriga Al Shati ee Abu Dhabi, si loo muujiyo in madaxweynuhu ku sugan yahay xaalad caadi ah.

Dhinaca kale, falanqeeyayaal ayaa sheegay in wararka la beeniyay ay muujinayaan sida ay baraha bulshada u saameeyaan hadal-heynta siyaasadeed ee gobolka, isla markaana warar aan la xaqiijin ay si degdeg ah u faafaan.

Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.