Wararka24: Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qabashada saddex xubnood oo ka tirsan hoggaanka ururka dhalinyarada ee SOYPA, kuwaas oo lagu xiray magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay dhacdada “afduub,” isaga oo dalbaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Abuubakar Macallin Maxamed, Axmednuur Xasan Cabdi iyo Najiib Cosoble. Wuxuu xusay in beegsiga dhalinyarada firfircoon uusan waxba u tarayn dowladnimo, nabad iyo xasillooni.
Farmaajo, oo isna war-saxaafadeed gaar ah soo saaray, ayaa sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso jiho khaldan oo dalka loo wado, isaga oo carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta aragtidooda dhiibta aan lagu caburin karin cabsi iyo tacaddi.

Inkasta oo saddexda xubnood goor dambe la sii daayay, hadallada ka soo baxay labada madaxweyne ayaa muujinaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan sida loola dhaqmo dhalinyarada siyaasadda ku firfircoon, xilli ay weli taagan yihiin muranno la xiriira dastuurka iyo jihada doorashooyinka dalka.


















