• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia
Trending

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 2 mins read
Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi
Share

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa si adag uga falceliyey hadalkii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Axmed Macallim Fiqi, u jeediyey mucaaradka.

 

Cawad ayaa sheegay in hadalka Wasiir Fiqi uusan waafaqsanayn masuuliyad wasiirnimo, isla markaana wasiirku aanu u kala dhawayn karin dhinacyada siyaasadeed ee kala aragti duwan. Wuxuu xusay in Wasiir Fiqi uu xilka u hayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, balse uusan ku koobnayn muran siyaasadeed oo gaar ah.

 

“Wasiir Fiqi wuxuu wasiir u yahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Fahamka dawladda ayaa ka khaldan. Uma taalo inuu muran la galo mucaarad ama mas’uul gaar ah sida Siciid Deni,” ayuu yiri Cawad.

 

Isagoo hadalka sii wata ayuu si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiin uu sheegay inaysan ka tarjumayn masuuliyad dhab ah, isagoo magacyadooda ku sheegay Fiqi, Sanbaloolshe, Faysal Cali Waraabe iyo Juxa. “Raggaas waxaan u aqaan kuwo aan masuul ahayn oo aan garanayn masuuliyadooda. Haddii aan dib u eegno asalkooda siyaasadeed, waxay u badan tahay inaysan si dhab ah u garanayn waxa ay ka hadlayaan,” ayuu raaciyay.

 

Hadalka Cawad ayaa yimid xilli dood siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyadoo hadallo kulul ay dhinacyadu isku marinayaan warbaahinta iyo baraha bulshada.


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.