Muqdisho – Wararka24: 10-01-2026: Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay sababta dib-u-dhaca ku yimid booqashadii la qorsheeyay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, oo lagu waday inuu 9-ka Janaayo soo booqdo magaalada Muqdisho.
Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa sheegay in dib-u-dhigista booqashada ay timid kadib isbeddel ku yimid jadwalka safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, taas oo ka dhalatay wadatashi saaxiibtinimo oo dhex maray wasaaradaha arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Soomaaliya.
Safaaradda ayaa sheegtay in dowladda Shiinaha ay wax ka beddeshay jadwalka safarka Wang Yi, isla markaana labada dhinac ay hadda si wadajir ah uga shaqeynayaan in la helo waqti cusub oo booqashada lagu qabto.
Waxay intaas ku dartay in dib-u-dhigista booqashada aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo la xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid adag oo muddo dheer soo jiray.
Safaaradda Shiinaha ayaa hoosta ka xariiqday in Beijing ay muhiimad gaar ah siiso iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda u taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu ilaalinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Sidoo kale, dowladda Shiinaha ayaa muujisay diyaar u ahaanshaheeda ah inay sii xoojiso iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay la leedahay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay ixtiraam, kalsooni iyo dan wadaag.
War-saxaafadeedkan ayaa soo baxay kadib markii warbaahinta qaar ay tabiyeen warar sheegaya in sababo amni awgood uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha uga baaqsaday booqashada Muqdisho, taas oo Safaaradda Shiinaha ay si cad u beenisay.
















