• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya Iyo Myanmar Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Xiriir Diblomaasiyadeed

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
9 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya Iyo Myanmar Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Xiriir Diblomaasiyadeed
Share

Wararka24: 12-01-2026: Dowladaha Soomaaliya iyo Myanmar ayaa si rasmi ah u bilaabay xiriir diblomaasiyadeed oo cusub, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, taas oo lagu shaaciyay furitaanka bog cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya labada dal.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalalka Malaysia iyo Myanmar, Cali Maxamed Abuukar, ayaa sheegay in xiriirkan cusub uu yahay mid muhiim ah, isla markaana uu saldhig u noqon doono wada-shaqeyn ballaaran oo ku wajahan danaha labada dhinac.

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso Myanmar si loo horumariyo danaha wadaagga ah, loona xoojiyo xiriirka u dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood,” ayuu yiri Danjire Cali Maxamed Abuukar.

Danjiraha ayaa intaas ku daray in labada dal ay xoogga saari doonaan iskaashi la xiriira horumarinta, danaha guud, iyo arrimo kale oo labada dhinac faa’iido u leh, isaga oo tilmaamay in xiriirkan uu furi doono fursado cusub.

Dhankeeda, Safaaradda Myanmar ayaa si diirran u soo dhaweysay tallaabada lagu bilaabay xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay la-shaqeynta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka cusub ee labada dal.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.