Wararka24: 9-02-2026Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka, Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo danaha wadajirka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan abaaraha ba’an ee jira, guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, horumarinta doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladdu u fidisay Golaha Mustaqbalka.
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Jarmalka Niels Annen ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ku dhisan dano-wadaag ee labada dal uu sii xoogeysanayo.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka qaybqaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida, gaar ahaan doorka ay Soomaaliya ku leedahay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay ka tahay xubin aan joogto ahayn.























