Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo khudbadka Ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika

15-02-2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo ka hadlay arrimaha amniga, dimuqraadiyeynta, midnimada Afrika iyo difaaca madaxbannaanida Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 15, 2026, 1:04 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo khudbadka Ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 15-02-2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo ka hadlay arrimaha amniga, dimuqraadiyeynta, midnimada Afrika iyo difaaca madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta wada-shaqeynta dalalka Afrika, gaar ahaan isku-duwidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Wuxuu uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika kalsoonida ay siiyeen Soomaaliya si ay uga mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika muddada 2026–2028.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimiyay guusha doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowlad-dhiska, isla markaana muujisay diyaargarowga lagu ballaarinayo hannaanka doorashada tooska ah ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay faragelinta Israa’iil ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay dalalka Afrika mowqifka mideysan ee ay ka qaateen xadgudubyadaas.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay sii xoojiyaan midnimada iyo wada-shaqeynta, si xal waara loogu helo caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee qaaradda, isagoo xusay in madaxbannaanidu tahay tiirka horumarka mustaqbalka Afrika.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

19 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

20 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

22 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

22 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

23 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

23 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

23 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.