GAROWE — Maxamuud Caydiid Dirir oo ah wasiirka warfaafinta Puntland ayaa xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe.
Caydiid wuxuu sheegay in dowladaha reer galbeedka ay su’aalo ka qabaan Villa Somalia. “Maalin kasta waxay ka hadlayaan isbeddelka siyaasadda, ” ayuu yiri wasiirka.
Taasi ayaa u muuqata marki uu madaxweynaha malin dhow xilka ka qaaday, hogaanki hore ee NISA Sanbaloolshe isago u magacaabay Markale mahad Salaad in uu noqda hogaanka NISA.
Dowlada ayaa dhowr jeer sameysay is-badalo wakhti kooban, waxaa dhowr jeer laisku badalay wasiiro, iyagoo wakhti kooban xilka joogay, taasi ayaa keentay walaaca beesha caalamka sida uu sheegay wasiir Dirir.
Dhanka kale, wasiirka ayaa tilmaamay in Puntland ay xiriir wanaagsan la leedahay Mareykanka iyo Ingiriiska. Wuxuu xusay iskaashiga amniga uu kala dhexeeya.
“Ciidamada Mareykanka ayaa taageero siiya ciidamada Puntland ee dagaalka Daacish,” ayuu hadalkiisa raaciyay Caydiid.
Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay raashin u geeyeen ciidamada ku sugan buuraha. Arrintani waxay muujinaysaa iskaashiga jira.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli dowladda federaalka ay doonayso inay xoojiso xiriirka dibadda. Muqdisho ayaa dadaal u gashay sidii ay ula macaamilaan dalalka caalamka.