Wararka24: Ciidamada ammaanka ee Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Lacag ay Leedahay Daacish, ciidamada oo weli ka howlgalaya gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad, ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen lacag tiro badan oo ay lahayd kooxda Daacish.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay inay qabteen teleefoonno lacago badan oo ay ku heysatay xubnaha Daacish, ka dib markii laga qabsaday saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Bari.

Lacagaha ay Puntland oo gacanta ku dhigtay ayaa laga helay teleefannada xubno laga dilay kooxda Daacish.
Markii la baaray teleefannada, waxaa laga helay lacago gaareysa illaa 180 kun oo doollar. Saraakiisha ciidamada ayaa shaaca ka qaaday inay Puntland oo gacanta ku dhigtay lacagahan, balse ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan halka ay lacagtaas kasoo gashay iyo qofka sida gaar ah u maamulayay.
Howlgallada ciidamada Puntland ayaa weli sii socda, iyadoo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Daacish. Waxaa la sheegay in ciidamadu ay ku laayeen xubno badan oo ka tirsan kooxda, iyagoo ka qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari.
Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay in ka badan 100 oo xubnood, kuwaas oo u badan ajaanib. Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish.
Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay, sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 4 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 11 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 4 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 10 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 4 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 10 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg



















