Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Koonfur Galbeed Ayaa Laba Nin Si Degdeg ah Dil ugu Fulisay Ayago Lagu Helay Dilka Haweeney

Fagaare ku yaala Magaalada Baydhabo Koonfur Galbeed ayaa galabta lagu toogtay laba nin oo dhallinyaro ah, ka dib markii maxkamad gobolee

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
March 21, 2025, 10:43 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Koonfur Galbeed
Share

Wararka24: Fagaare ku yaala Magaalada Baydhabo ayaa galabta lagu toogtay laba nin oo dhallinyaro ah, ka dib markii maxkamad goboleedku ku xukuntay inay toorey ku dileen haweeney dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdiladiif Macalin.

Koonfur Galbeed

Maxkamadda Gobolka Baay ayaa Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan, oo labaduba 20 jir ahaa, ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo lagu helay inay Axaddii la soo dhaafay ku dileen marxuumadda. Maxkamadda ayaa sidoo kale shaacisay in labada nin ay horey uga sii qaateen moobeel nooc Samsung Galaxy A15 ah, balse waxay ku weyday mid ka mid ah eedeymihii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo eedeeyay, oo ah inay kufsadeen haweeneydaasi ka hor inta aysan dilin.

Koonfur Galbeed sida degdeg ah dil ugu fulisay laba nin ayaa muujinaysaa sida ay u degdegaysay maxkamadda inay xukunka ku fuliso.

Koonfur Galbeed

Hal fadhi oo maxkamad ah ayaa ku soo geba-gabeysay dhageysiga dacwadda iyo ridista xukunka.

Arbacadan ayaa xukunka lagu riday raggaasi, isla Arbacadan ayaana lagu toogtay fagaaraha ku yaala Magaalada Baydhabo Koonfur Galbeed. Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka lagu la fuliyay labadaasi nin.

Macalin Ilyaas Macalin, oo ah sayga marxuumadda, ayaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kaga mahadceliyay sida ay caddaaladda ugu soo dhicisay. Ninkan oo nin naafo ah ayaa warbaahinta kula hadlay goobta, wax yar uun ka dib markii labada nin la qisaasay.

Maxkamadda ayaa si degdeg ah uga jawaabtay codsi uu ninkaasi u soo jeediyay, kaas oo Talaadadii shalay ka dalbaday in uu caddaalad helo. Macalin Ilyaas ayaa ah macalin dugsi Quraan ka mid ah dugsiyada ku yaala Magaalada Baydhabo.

Arrinta ay dadku ka argagaxeen ayaa ah in mid ka mid ah labada nin ee dilka lagu fuliyay, Mukhtaar Maxamed Nuur, uu isku qoys yahay Macalin Ilyaas.

Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Amniga ayaa fagaaraha ka sheegay in cid kasta oo dil gaysata lagu toogan doono fagaarahan. Labada nin ee galabta la qisaasay ayaa la sheegay in ay marxuumadda ku dileen xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo. Raggan ayaa marxuumadda ifka uga dambeeyay keliya saddex cisho.

Koonfur Galbeed
  • Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

    Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

    ShareWararka24: Dagaal culus ayaa maanta oo Isniin ah ka qarxay magaalada Baydhabo, kaddib markii ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, ay weerar ku qaadeen magaalada, sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka. Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamadaas iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed. Iska horimaadka ayaa billowday…

    Sii Aqri


    October 26, 2026
  • Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

    Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

    Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib laba qarax oo siyaabo kala duwan loogu beegsaday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

    Sii Aqri


    October 26, 2026
  • Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

    Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay in ka badan 100 gaari oo milatari ah u dirtay dhanka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyadoo la sheegay in halkaas laga abaabulayo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

    Sii Aqri


    October 25, 2026

Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

17 hours ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

2 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

3 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

3 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

4 days ago
Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

4 days ago
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.