Wararka25: 25-02-2026 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal ballaaran oo qorsheysan oo ay ka fulisay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo xubno kale oo la socday, kadib howlgallo socday toddobaad.
War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanno hoostaga Waab-weyn iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Mustaf Caato, oo lagu tilmaamay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda. Hay’addu waxay sheegtay in Mustaf Caato uu ka mid ahaa shaqsiyaadka qorsheynta iyo isku-duwidda weerarrada kooxda ee bartamaha dalka.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgallo kale oo la fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Maxaas Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo sida lagu sheegay ku sugnaa dhul hawd ah oo ay isku uruursanayeen. War-saxaafadeedka ayaa xusay in howlgaladan ay ku dhinteen in ka badan 23 xubnood oo ka tirsan kooxda.
Howlgallada ayaa lagu fuliyay iskaashi ay sameeyeen hay’adaha amniga ee dowladda federaalka iyo saaxiibo caalami ah, iyadoo la adeegsaday xog sirdoon oo la ururiyay maalmihii ka horreeyay weerarrada. NISA waxay sheegtay in weerarradan ay qayb ka yihiin dadaal ballaaran oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda hoggaamineed, xarumaha iyo isku-xirka Al-Shabaab ee bartamaha iyo koonfurta dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay beegsiga ay ku hayso maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in la gaarsiiyay jab culus howlgallo ka kala dhacay deegaanno ku yaalla Galmudug, HirShabeelle iyo Jubbooyinka. Toddobaadyadii la soo dhaafay, hay’adaha amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilal lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo lagu eedeeyay abaabulka weerarro iyo ururinta lacago baad ah.
Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in howlgalladu sii socon doonaan, lana kordhin doono howlgallada sirdoonka iyo kuwa dhulka si loo xaqiijiyo amniga deegaannada laga xoreeyay kooxda, isla markaana looga hortago in ay dib isugu soo abaabulaan. Dowladda ayaa ku celisay ballanqaadkeeda ah in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga xaqiijiyo amni waara.


















