Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qorsheynaysa dhismaha maxkamado ganacsi

26-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa dhismaha maxkamado gaar ah oo u qaabilsan arrimaha ganacsiga, si loo xoojiyo nidaamka garsoorka ee khuseeya ganacsatada iyo maalgashadayaasha.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 26, 2026, 10:35 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuso dhaweeyey Madaxtooyada Qaranka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 26-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa dhismaha maxkamado gaar ah oo u qaabilsan arrimaha ganacsiga, si loo xoojiyo nidaamka garsoorka ee khuseeya ganacsatada iyo maalgashadayaasha.

Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in la helo hannaan sharci oo hufan oo lagu xalliyo murannada ganacsi, lana kordhiyo kalsoonida maalgashi ee dalka.

Arrintan ayaa lagu falanqeeyay kulan dhex maray Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Kulanka waxaa ka qeyb galay khubaro ka kala socotay labada wasaaradood, kuwaas oo diiradda saaray dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga iyo dhisidda sal sharci oo taageera kobaca dhaqaalaha.

Mas’uuliyiintu waxay isla qaateen in Wasaaradda Cadaaladda ay hoggaamiso dhismaha maxkamadaha ganacsiga iyo dejinta habraacyada sharci ee lagu shaqeyn doono.

Waxaa la sheegay in nidaamkan cusub uu fududeyn doono go’aan ka gaarista khilaafaadka ganacsi, isla markaana uu yareyn doono dib-u-dhacyada ka jira garsoorka guud.

Dhankeeda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa la filayaa inay dhammaystirto xeerarka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah nidaaminta ganacsiga iyo ilaalinta xuquuqda ganacsatada.

Ugu dambeyntii, labada wasaaradood ayaa ku heshiiyay in la magacaabo guddi farsamo oo wadajir ah si ay u diyaariyaan qorshaha iyo habraaca hirgelinta maxkamadaha ganacsiga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

13 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

14 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

14 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

15 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.