Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjooge Mustaf Caato iyoxubno kale oo….

Wararka25: 25-02-2026 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal ballaaran oo qorsheysan oo ay ka fulisay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo xubno kale…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 25, 2026, 11:28 am EAT
Reading Time: 3 mins read
NISA oo bilowday Afurinta Shacabka oo ay si weyn ugu farxeen shacabka Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka25: 25-02-2026 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal ballaaran oo qorsheysan oo ay ka fulisay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo xubno kale oo la socday, kadib howlgallo socday toddobaad.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanno hoostaga Waab-weyn iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Mustaf Caato, oo lagu tilmaamay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda. Hay’addu waxay sheegtay in Mustaf Caato uu ka mid ahaa shaqsiyaadka qorsheynta iyo isku-duwidda weerarrada kooxda ee bartamaha dalka.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgallo kale oo la fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Maxaas Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo sida lagu sheegay ku sugnaa dhul hawd ah oo ay isku uruursanayeen. War-saxaafadeedka ayaa xusay in howlgaladan ay ku dhinteen in ka badan 23 xubnood oo ka tirsan kooxda.

Howlgallada ayaa lagu fuliyay iskaashi ay sameeyeen hay’adaha amniga ee dowladda federaalka iyo saaxiibo caalami ah, iyadoo la adeegsaday xog sirdoon oo la ururiyay maalmihii ka horreeyay weerarrada. NISA waxay sheegtay in weerarradan ay qayb ka yihiin dadaal ballaaran oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda hoggaamineed, xarumaha iyo isku-xirka Al-Shabaab ee bartamaha iyo koonfurta dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay beegsiga ay ku hayso maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in la gaarsiiyay jab culus howlgallo ka kala dhacay deegaanno ku yaalla Galmudug, HirShabeelle iyo Jubbooyinka. Toddobaadyadii la soo dhaafay, hay’adaha amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilal lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo lagu eedeeyay abaabulka weerarro iyo ururinta lacago baad ah.

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in howlgalladu sii socon doonaan, lana kordhin doono howlgallada sirdoonka iyo kuwa dhulka si loo xaqiijiyo amniga deegaannada laga xoreeyay kooxda, isla markaana looga hortago in ay dib isugu soo abaabulaan. Dowladda ayaa ku celisay ballanqaadkeeda ah in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga xaqiijiyo amni waara.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

7 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

8 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

10 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

11 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

11 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

11 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

11 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

11 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.