Wararka24: 19-02-2026 Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa ka bilaabay magaalada Muqdisho howl amni iyo bulsho oo ay si weyn u soo dhoweeyeen shacabka caasimadda, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.
Saraakiisha iyo ciidamada NISA ayaa waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ka bilaabay inay afur u qeybiyaan dadweynaha sooman ee saaran gaadiidka iyo mootooyinka, iyagoo siinaya timir iyo biyo, tallaabadaas oo ay shacabka ku muujiyeen farxad iyo bogaadin.
Taliska NISA ayaa sheegay in howlgan uu qeyb ka yahay xoojinta kalsoonida u dhaxeysa hay’adaha amniga iyo bulshada, iyadoo isla mar ahaantaana la sii adkeynayo sugidda amniga guud ee caasimadda inta lagu jiro bisha Ramadan.
Ciidamada ayaa sidoo kale wada hawlgallo amni xaqiijin ah oo lagu hubinayo waddooyinka waaweyn iyo isgoysyada muhiimka ah, si looga hortago falal amni darro, loona xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo gaadiidka.
Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa lagu tilmaamay mid deggan, iyadoo laamaha amniga ee NISA iyo Booliska ay heegan buuxa ku jiraan, si loo sugo nabadgelyada guud ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in dadaallada hadda socda ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu adkeynayo amniga caasimadda, isla markaana lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya shacabka iyo hay’adaha amniga, xilli dowladda ay sheegtay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka socdaan furimaha hore ee dagaalka.


















