Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Abuukar Baale: Xaaladda Bani’aadamnimo ee Gaza Waa Mid Halis ah

19-02-2026 Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baale, ayaa sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta Marinka Gaza ay gaartay heer halis ah, iyadoo caqabado waaweyn ay hor taagan yihiin gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee dadka rayidka ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 19, 2026, 11:11 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Abuukar Baale: Xaaladda Bani’aadamnimo ee Gaza Waa Mid Halis ah
Share

Wararka24: 19-02-2026 Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baale, ayaa sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta Marinka Gaza ay gaartay heer halis ah, iyadoo caqabado waaweyn ay hor taagan yihiin gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee dadka rayidka ah.

Safiirka ayaa hadalkan ka jeediyay fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo carrabka ku adkeeyay in xaaladda Gaza ay u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo ka timaadda beesha caalamka si loo xaqiijiyo in gargaarku si nabad ah oo joogto ah u gaaro dadka ku dhibaateysan colaadda.

Abuukar Baale ayaa xusay in ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waajib sharci iyo mid akhlaaqeed, isla markaana dhammaan dhinacyada ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Safiirka Soomaaliya ayaa si cad u muujiyay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo horjeeda isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta ama si khasab ah loogu raro dalal kale, isagoo xusay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay jebinayso shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay in xal waara uusan ku jirin barakicin ama beddelidda qaab-dhismeedka dadweynaha, balse uu ku jiro in la wajaho asalka khilaafka lana xaqiijiyo xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin inay si nabad iyo sharaf leh ugu noolaadaan dhulkooda.

Safiirka Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato mas’uuliyaddeeda, isla markaana la joojiyo colaadda, lana xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu gaari karo xabbad-joojin dhameystiran iyo xal cadaalad ah oo waara.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.