
Tel Aviv – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku hanjabay in dowladdiisu si adag uga aar gudan doonto kooxda Xuutiyiinta, kadib markii gantaal ay kooxdaasi soo rideen uu ku dhacay meel ku dhow garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv.
Gantaalka oo la sheegay in laga soo tuuray Yemen, ayaa dhacay agagaarka terminal-ka saddexaad ee garoonka Ben Gurion subaxnimadii Axadda, waxaana wararka laga helay maamulka Israa’iil ay sheegayaan in afar qof ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen,
Isagoo muuqaal ku baahiyay baraha bulshada, Netanyahu ayaa yiri: “Waan weerarnay horey, waanan weerari doonnaa mustaqbalka.” Wuxuu ku eedeeyay in kooxda Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto, isagoo sheegay in weerarradooda laga soo abaabulay Yemen yihiin ficillo ay Iran ka dambeyso, balse Israa’iil ay ka jawaabi doonto “goorta iyo goobta ay doonto.”
Kooxda Xuutiyiinta ayaa isla maalintaas gelinkii dambe ku hanjabay inay “cunaqabatayn cirka ah” saari doonaan Israa’iil, iyagoo ballan qaaday weerarro isdaba joog ah oo lagu beegsan doono garoomada diyaaradaha dalkaasi, si ay uga jawaabaan howlgalka Israa’iil ay ka waddo marinka Qasa.
Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa isna ka digay in “ciddii na weerarta, toddobo jeer ayaan ka aargudan doonnaa.” Dhanka kale, ciidamada cirka Israa’iil ayaa baaraya sababta uu gantaalku uga badbaaday nidaamyadooda difaaca hawada ee casriga ah, oo ay ka mid yihiin THAAD, iyadoo la sheegay in ay ku guul-darreysteen in ay qabtaan gantaalka.
Taliye sare oo ka tirsan booliiska Israa’iil, Yair Hetzroni, ayaa weriyayaasha tusay bohol uu gantaalku ku dhacay oo u dhow terminalka garoonka, wuxuuna sheegay in daloolkaasi uu gaarayo tobanaan mitir, balse aysan jirin khasaare weyn oo ka dhashay.
Inkasta oo garoonka Ben Gurion la furay dib markii si ku-meel-gaar ah loo xiray, haddana shirkado waaweyn sida Lufthansa, Air France, iyo Delta Airlines ayaa baajiyay duullimaadyadoodii Axadda.
Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu la kulmo wasiirada iyo saraakiisha ammaanka si ay uga tashadaan jawaabta rasmi ah ee Israa’iil ka bixin doonto weerarkan.
Kooxda Xuutiyiinta oo fadhigoodu yahay Yemen ayaa weerarro joogto ah ku haya Israa’iil, iyaga oo taageero u muujinaya Xamaas. Waxaana weerarradaasi badankood lagu joojiyaa difaacyada Israa’iil, inkastoo mararka qaarkood ay si lama filaan ah u gaaraan bartilmaameedyo muhiim ah.
Madaxweynaha mareykanka donald trump ayaa shegay in weerarkan uu ka yimid IRAN halka uu netanyahu uu ku raacay

Israel iyo mareekanka ayey u muuqata iney weerar ku qaadi doonan Dalka Iran oo ay ku eedeeyeen in ay garab weyn siiyaan huthiyeenta yemen, Madaxweynaha mareekanka ayaa yiri yanan lagu sirin, Iran waxay siiyaan hub, lacag, qalab ciidan oo aad u horumarsan, iyo waxa loogu yeero sirdoon. sida uu shegay
Laga bilaabo hadda, rasaas kasta oo ay Xuutiyiintu furaan waxaa loo aqoonsan doonaa rasaas ka timid hubka iyo hoggaanka IRAN. Wana lala xisaabtami doonaa, waxayna la kulmi doontaa cawaaqib daran!
Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah