Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in cafis guud loo fidiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo gebi ahaanba la laalay go’aankii hore ee maxkamadda ee amarka soo qabashada, kaas oo la soo saaray 27-kii November 2024.
War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta ay si rasmi ah dib ula noqotay dacwaddii ka dhanka ahayd Axmed Madoobe, isla markaana ay maxkamadda ka codsatay in kiiska la xiro, arrintaas oo maxkamaddu aqbashay.
Maxkamaddu waxay xustay in eedeymihii hore ee la xiriiray falal ka dhan ah wadajirka iyo midnimada qaranka—kuwaas oo xilligaas saldhig u ahaa amarka soo qabashada—aan hadda wax sharci ah ku lahayn, kadib go’aanka xeer-ilaalinta.
“Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyada oo waafaqsan waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay xirtay gal-dacwadeedkii ciqaabta ahaa ee summaddiisu tahay MGB/DCL/1531/2024, kaas oo eedeysane ka ahaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay si cad u baabi’isay amarkii hore ee soo qabashada iyo hor keenista maxkamadeed ee lagu taariikheeyay 27/11/2024, taasoo meesha ka saartay caqabadihii sharci ee hor taagnaa Axmed Madoobe.
Go’aankan ayaa la gaaray maanta oo ah 29-ka Janaayo 2026, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka maxkamadda.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli la filayo in Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland ay dhawaan yimaadaan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan wada-hadallo siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan dalka.



















