• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Ka Digtay Burburin Sharci-darro ah oo Lagu Hayo Dhulkeeda…

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Ka Digtay Burburin Sharci-darro ah oo Lagu Hayo Dhulkeeda…
Share

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa si rasmi ah uga digtay burburin sharci-darro ah oo ka socota dhul ay ku leedahay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo sheegtay in falalkaasi ay si toos ah ugu xadgudbayaan hantideeda iyo adeegyada ardayda.

War-saxaafadeed ay Jaamacaddu soo saartay ayaa lagu caddeeyay in burburinta lagu hayo xarumo muhiim ah oo ka tirsan Jaamacadda, oo ay ku jiraan goobo adeeg arday iyo gurigii guddoomiyaha, taas oo ay ku tilmaantay mid baalmarsan sharciga.

Jaamacaddu waxay shaacisay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo xuquuqdeeda milkiyadeed, loogana hortago isku dayo lagu doonayo in burburinta dhulka Jaamacadda lagu xalaaleeyo magacyo aan wax xiriir ah la lahayn.

“Maamulka Jaamacaddu wuxuu qaadayaa dhammaan tallaabooyinka sharci ee ku habboon si loo ilaaliyo xuquuqda milkiyadeed ee Jaamacadda, loogana hortago falalka sharciga baalmarsan ee lagu doonayo in dhulka Jaamacadda lagu xalaaleysto magacyo aan wax raad ah ku lahayn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax ganacsi ama heshiisyo la xiriira dhulkaas, isla markaana ay ka taxaddaraan in aan lagu marin habaabin hawlo sharci-darro ah.

Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.