Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Ka Digtay Burburin Sharci-darro ah oo Lagu Hayo Dhulkeeda…

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa si rasmi ah uga digtay burburin sharci-darro ah oo ka socota dhul ay ku leedahay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo sheegtay in falalkaasi ay si toos ah ugu xadgudbayaan hantideeda iyo adeegyada…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 30, 2026, 9:59 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Ka Digtay Burburin Sharci-darro ah oo Lagu Hayo Dhulkeeda…
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa si rasmi ah uga digtay burburin sharci-darro ah oo ka socota dhul ay ku leedahay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo sheegtay in falalkaasi ay si toos ah ugu xadgudbayaan hantideeda iyo adeegyada ardayda.

War-saxaafadeed ay Jaamacaddu soo saartay ayaa lagu caddeeyay in burburinta lagu hayo xarumo muhiim ah oo ka tirsan Jaamacadda, oo ay ku jiraan goobo adeeg arday iyo gurigii guddoomiyaha, taas oo ay ku tilmaantay mid baalmarsan sharciga.

Jaamacaddu waxay shaacisay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo xuquuqdeeda milkiyadeed, loogana hortago isku dayo lagu doonayo in burburinta dhulka Jaamacadda lagu xalaaleeyo magacyo aan wax xiriir ah la lahayn.

“Maamulka Jaamacaddu wuxuu qaadayaa dhammaan tallaabooyinka sharci ee ku habboon si loo ilaaliyo xuquuqda milkiyadeed ee Jaamacadda, loogana hortago falalka sharciga baalmarsan ee lagu doonayo in dhulka Jaamacadda lagu xalaaleysto magacyo aan wax raad ah ku lahayn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax ganacsi ama heshiisyo la xiriira dhulkaas, isla markaana ay ka taxaddaraan in aan lagu marin habaabin hawlo sharci-darro ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.