Wararka24: 16-02-2026; Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Labada nin oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed (Baari, Biibaaye, Sacad) ayaa aroortii hore loo geeyay fagaaraha toogashada, halkaas oo xukunka dilka ah lagu fuliyay.
Sida ay maxkamaddu sheegtay, labada eedeysane ayaa lagu helay inay ku lug lahaayeen falal amni-darro oo ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana lagu xukumay qisaas kadib markii lagu helay dambiyadaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa goobta ka sheegay in fulinta xukunkan ay qeyb ka tahay dib u bilaabidda fulinta xukunnada dilka ah ee horey maxkamaddu u ridday, gaar ahaan kiisaska la xiriira falal dil iyo qaraxyo.
Maalmo ka hor ayay sidoo kale maxkamaddu xukunno dil ah ku fulisay xubno kale oo lagu helay falal la xiriira weerarro gaadmo ah iyo la-shaqeyn kooxo hubeysan, kuwaas oo halis ku ahaa amniga caasimadda.


















