Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidanka Asluubta oo gacanta ku dhigay askari isku dayay inuu maandooriye geliyo Xabsiga Dhexe ee Xamar

17-02-2026;Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan ilaalada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, ayaa muujiyay feejignaan sare kadib markii ay gacanta ku dhigeen askari ka tirsan ciidanka oo lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu gudaha xabsiga geliyo waxyaabo maanka dooriya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 17, 2026, 9:26 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidanka Asluubta oo gacanta ku dhigay askari isku dayay inuu maandooriye geliyo Xabsiga Dhexe ee Xamar
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 17-02-2026;Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, gaar ahaan ilaalada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, ayaa muujiyay feejignaan sare kadib markii ay gacanta ku dhigeen askari ka tirsan ciidanka oo lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu gudaha xabsiga geliyo waxyaabo maanka dooriya.

Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Ilyaas Sheekh Nuur kana tirsanaa Ciidanka Asluubta, ayaa la sheegay in la qabtay xilli uu isku dayayay inuu xabsiga soo geliyo kaniiniyada loo yaqaan “Bilibili,” kuwaas oo uu ku dhex qariyay sigaar si uu uga dhuunto baaritaanka amniga.

War rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Asluubta ayaa lagu sheegay in falka la ogaaday kadib baaritaanno joogto ah oo lagu sameeyo shaqaalaha iyo cid kasta oo soo galeysa xabsiga, si loo xaqiijiyo amniga maxaabiista iyo nidaamka xarunta.

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha uu hadda ku jiro gacanta Hoggaanka Baarista Dambiyada iyo Kormeerka Xabsiyada ee Ciidanka Asluubta, islamarkaana loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa mar kale adkeeyay in aysan jiri doonin wax tanaasul ah oo laga sameeyo la dagaallanka maandooriyaha iyo fal kasta oo wax u dhimaya amniga xabsiyada dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

18 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

19 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.