Wararka24: Fagaare ku yaala Magaalada Baydhabo ayaa galabta lagu toogtay laba nin oo dhallinyaro ah, ka dib markii maxkamad goboleedku ku xukuntay inay toorey ku dileen haweeney dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdiladiif Macalin.
Maxkamadda Gobolka Baay ayaa Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan, oo labaduba 20 jir ahaa, ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo lagu helay inay Axaddii la soo dhaafay ku dileen marxuumadda. Maxkamadda ayaa sidoo kale shaacisay in labada nin ay horey uga sii qaateen moobeel nooc Samsung Galaxy A15 ah, balse waxay ku weyday mid ka mid ah eedeymihii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo eedeeyay, oo ah inay kufsadeen haweeneydaasi ka hor inta aysan dilin.
Koonfur Galbeed sida degdeg ah dil ugu fulisay laba nin ayaa muujinaysaa sida ay u degdegaysay maxkamadda inay xukunka ku fuliso.

Hal fadhi oo maxkamad ah ayaa ku soo geba-gabeysay dhageysiga dacwadda iyo ridista xukunka.
Arbacadan ayaa xukunka lagu riday raggaasi, isla Arbacadan ayaana lagu toogtay fagaaraha ku yaala Magaalada Baydhabo Koonfur Galbeed. Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka lagu la fuliyay labadaasi nin.
Macalin Ilyaas Macalin, oo ah sayga marxuumadda, ayaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kaga mahadceliyay sida ay caddaaladda ugu soo dhicisay. Ninkan oo nin naafo ah ayaa warbaahinta kula hadlay goobta, wax yar uun ka dib markii labada nin la qisaasay.
Maxkamadda ayaa si degdeg ah uga jawaabtay codsi uu ninkaasi u soo jeediyay, kaas oo Talaadadii shalay ka dalbaday in uu caddaalad helo. Macalin Ilyaas ayaa ah macalin dugsi Quraan ka mid ah dugsiyada ku yaala Magaalada Baydhabo.
Arrinta ay dadku ka argagaxeen ayaa ah in mid ka mid ah labada nin ee dilka lagu fuliyay, Mukhtaar Maxamed Nuur, uu isku qoys yahay Macalin Ilyaas.
Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Amniga ayaa fagaaraha ka sheegay in cid kasta oo dil gaysata lagu toogan doono fagaarahan. Labada nin ee galabta la qisaasay ayaa la sheegay in ay marxuumadda ku dileen xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo. Raggan ayaa marxuumadda ifka uga dambeeyay keliya saddex cisho.


Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 7 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 14 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg




















