Wararka24: 19-02-2026 Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay fashiliyeen weerar argagixiso oo weyn oo la qorsheeyay in laga fuliyo caasimadda Nairobi, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Qoraal lagu daabacay barta X (Twitter) ee Counter Terrorism Policing Kenya ayaa lagu sheegay in qorshahaasi ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab, balse uu burburay kadib bilo dabagal iyo xog-ururin qarsoodi ah oo ay sameeyeen hay’adaha sirdoonka.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday shabakad ka howlgaleysay gudaha xeryaha qaxootiga ee Dadaab halkaas oo laga soo qabtay hub iyo rasaas ay ka mid yihiin, In ka badan 600 xabbo oo rasaas ah, Bastoolado, Bam-gacmeedyo, Walxo qarxa Iyo maandooriye.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhammaan qalabkaasi loo waday bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Nairobi.
Sida lagu xusay bayaanka, kooxda la tuhunsanaa waxay qorsheynayeen in ay weerarka fuliyaan inta lagu jiro Ramadaanka, iyagoo sidoo kale qorsheeyay suurtagalnimada afduubka ajaanibta iyo qafaalashada gaadiidka.
Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in Nairobi ay weli ammaan tahay, taas oo ay ku tilmaameen dadaalka joogtada ah ee ciidamada ammaanka iyo sirdoonka oo saacado badan ku bixiya la socodka kooxaha khatarta ah.
Dowladda Kenya weli kama aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tirada dadka la xiray, balse baaritaannada ayaa socdaan.


















