Lammaane kenyan ah ayaa Lagu Eedeeyay Inay ka Xadeen Sh22 Milyan oo kenya shillings ah Shirkadda National Oil.
Lammaanaha iyo qof saddexaad ayaa maanta la horkeenay maxkamadda Kibera ee magaalada Nairobi,
kadib markii lagu eedeeyay inay qorshe musuq-maasuq ah ay ku lunsadeen Sh22,151,983 Shirkadda Qaranka Shidaalka Kenya (National Oil Corporation of Kenya) oo ay u shaqeynayeen.
Eedeynta ayaa timid kadib cabasho rasmi ah oo ka timid National Oil, taas oo ku saabsaneyd xatooyo iyo si khaldan u isticmaalka hanti dadweyne.
Baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen ciidamo ka tirsan Investigations Bureau (IB) ee Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka ayaa muujiyay in Gladys Kahaki Njubi, oo hore uga shaqeyn jirtay shirkadda National Oil kana ahayd Kaaliyaha Xisaabiyaha Lacag-bixinta, ay ahayd maskaxda ka dambeysay qorshaha.
Baaritaannadu waxay caddeeyeen in Gladys ay la kaashatay seygeeda, Griffin Nyakang’o Omwenga, iyo nin saddexaad oo lagu magacaabo Nehemia Onyunge Kibegwa, iyagoo sameeyay qorshe lagu leexinayo lacag malaayiin shilin ah ka hor inta aysan Gladys xilkeeda iska casilin.
Seygeeda Griffin ayaa la ogaaday inuu sameeyay shan shirkadood oo kala ah Zoccom Enterprises Limited, Eceny Ventures Limited, Earthcare Supplier Services, Sparktec Ventures Limited iyo Jaffer Petrofill Africa Limited.
Shirkadahan, oo aan waligood dalban qandaraas ama wax adeeg ah u qaban jireen shirkada qaranka kenya ee National Oil, ayaa si sharci-darro ah loogu wareejiyay ku dhowaad Sh22 milyan, iyagoo lagu sheegay adeegyo aan jirin.
Gladys, oo xil ahaan u qaabilsanayd habaynta lacag-bixinta, ayaa lagu eedeeyay inay adeegsatay dukumiintiyo sax ah oo ay lahaayeen shirkado sharci ah si ay u qariso xiriirka ay la lahayd shirkadaha seygeeda, taasoo sahashay in lacagta la bixiyo iyada oo aan la ogaan.
Eedeysanaha saddexaad, Nehemia Onyunge Kibegwa, oo ah agaasimaha Kensons Constructions Limited, ayaa isna la sheegay inuu ka faa’iiday qorshaha, isaga oo helay lacag malaayiin ah inkastoo uusan wax qandaraas ah la lahayn National Oil.
Kadib marka la dhammeystiray baaritaanka, gal-dacwadeedka ayaa loo gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud (ODPP), kaas oo oggolaaday in saddexda eedeysane lagu soo oogo dacwado ay ka mid yihiin shirqool khiyaano, xatooyo uu geystay shaqaale, dukumiinti been-abuur ah iyo haysashada lacag dembi lagu helay.
Saddexda eedeysane ayaa la xiray 28-kii Janaayo 2026, waxaana maanta la horkeenay maxkamadda Kibera,
halkaas oo ay dhammaantood iska diideen eedeymaha. Maxkamaddu waxay ku amartay in xabsiga lagu sii hayo ilaa 4-ta Febraayo 2026,
Markaas ayaa waxaa la sugayaa go’aanka maxkamada oo laga yaabo in lagu sii daayo dammaanad..


















