Wararka24: 6-02-2026: Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si cad ugu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay mas’uul ka tahay rabshadihii culusaa ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Mudanayaasha ayaa sheegay in iska-horimaadyadaasi ay ka dhasheen tallaabooyin ay qaadday Dowladda Federaalka, iyagoo xusay in DFS ay qaadi doonto mas’uuliyadda wixii khasaare ah ee ka dhashay dagaallada.
Xildhibaanada qaar ayaa tilmaamay in ay hayaan xog muujinaysa in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay horey uga warqabeen waxa Baydhabo ka dhacay.
Senator Aadan Cabdinaasir ayaa sheegay in, sida uu hadalka u dhigay, ciidamo la abaabulay ay ku sugnaayeen agagaarka hoyga Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Eelaay, halkaas oo inta badan rabshaduhu ka dhaceen. Wuxuu intaas ku daray in ay horey talooyin ugu jeediyeen ciidamadaasi in aysan ku lug yeelan wax kasta oo horseedi kara xasillooni-darro.
Mudanayaal kale oo ka hadlay arrintan ayaa xusay in Koonfur Galbeed ay ka jirto dhibaato bini’aadannimo, isla markaana ay muhiim tahay in gargaar degdeg ah loo fidiyo shacabka halkii dagaal kale laga hurin lahaa.
Waxay si adag u cambaareeyeen rabshadaha, iyagoo tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay, una rajeeyay caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay.
Dhanka kale, xildhibaannadan oo laga soo doorto deegaannada Koonfur Galbeed ayaa mar kale muujiyay taageeradooda Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa sheegay in rabshadihii ka dhacay Baydhabo ugu dambeyn laga saaray magaalada kooxo ay ku tilmaameen burcad hubeysan oo xasilooni-darro ka waday.
Warar xaqiqda ku saleysan oo muhim ah kalasoco WARARKA24


















