Wararka24:Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa si kulul u dhaliilay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kadib warar sheegaya in uu si khaldan u qiimeeyay xaaladda dagaalka Iiraan.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Vance uu wadahadal adag la yeeshay Netanyahu, isagoo ku eedeeyay in saadaashii uu siiyay Madaxweyne Donald Trump aysan dhab noqon, gaar ahaan arrimaha la xiriira fudeydka dagaalka iyo suurtagalnimada isbeddelka nidaamka Tehran.
Vance ayaa sidoo kale muujiyay shaki ku saabsan jihada dagaalka, isagoo xusay in inkastoo cadaadis militari la saaray Iiraan, haddana aan la arkin calaamado muujinaya burbur degdeg ah oo ku yimaada nidaamka dalkaas.
Wararka ayaa tilmaamaya in Netanyahu uu hore Trump ugu qanciyay in dagaalku noqon karo mid sahlan, balse hadda ay soo baxeen aragtiyo ka duwan oo ka imanaya gudaha maamulka Mareykanka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa haatan door muuqda ka qaadanaya dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda, iyadoo la filayo inuu hoggaamiyo wadahadallo lala yeesho Iiraan.
Dhanka kale, Iiraan ayaa si cad u diiday dalabaadka Mareykanka ee la xiriira nukliyeerka, amniga gobolka iyo marinka Hormuz, iyadoo ku adkeysatay shuruudo ay ka mid yihiin joojinta weerarrada iyo bixinta magdhow.
Xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo dagaalka galay toddobaadyo xiriir ah, isla markaana ay sii kordhayaan walaacyada ku aaddan in colaadda ay sii fido.


















