Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamo tiro badan oo gaaray Buurhakaba iyo qorshe ka dhan ah Baydhabo

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan ay saacadihii u dambeeyay gaareen degmada Buurhakaba, halkaas oo uu ka socdo abaabul ka dhan ah maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 28, 2026, 12:03 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamo tiro badan oo gaaray Buurhakaba iyo qorshe ka dhan ah Baydhabo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan ay saacadihii u dambeeyay gaareen degmada Buurhakaba, halkaas oo uu ka socdo abaabul ka dhan ah maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Ciidamadan oo wata gaadiid gaashaaman ayaa la sheegay inay ka soo dhaqaaqeen gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xalay si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha Buurhakaba.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada ku sugan Buurhakaba ay isku diyaarinayaan qorshe ay ku beegsanayaan magaalada Baydhabo, iyadoo ujeedku yahay in la carqaladeeyo doorashada uu wado maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sii wada diyaarinta doorashada, waxaana la shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka saddexaad ee maamulkaas, iyadoo la filayo in doorashada madaxweynaha la guda galo.

Sidoo kale, ciidamo dheeraad ah ayaa lagu daadiyay gudaha iyo duleedka Baydhabo si loo xoojiyo ammaanka, loogana hortago weerarro suurtagal ah.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sii kordhinaya xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, taas oo salka ku haysa khilaafka doorashooyinka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in ay isku beddesho iska horimaad ciidan oo toos ah.

DAAWA


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

4 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

7 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

7 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

7 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

8 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

8 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

8 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.