• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Hoggaamiyaha Burkina Faso oo diiday dimuqraadiyadda, hakiyay doorashooyin

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Hoggaamiyaha Burkina Faso oo diiday dimuqraadiyadda, hakiyay doorashooyin
Share

Wararka24: Hoggaamiyaha militariga ee Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa sheegay in shacabka dalkiisa ay iska illaawaan dimuqraadiyadda, isagoo xusay in nidaamkaas uusan ku habboonayn xaaladda dalka.

Traoré ayaa hadalkan ka jeediyay wareysi uu siiyay telefishinka qaranka, isagoo cadeeyay in aan hadda laga hadli karin doorashooyin.

“Dadku waa inay iska illaawaan dimuqraadiyadda, annaga nooma fiicna,” ayuu yiri.

Hoggaamiyahan ayaa talada dalka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 2022, tan iyo markaasna waxaa la sheegay inuu xoojiyay xakameynta mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in la kala diray guddigii doorashooyinka, isla markaana baarlamaanka militariga uu baabi’iyay axsaabtii siyaasadeed.

Xisbiyada siyaasadeed ayaa horey loo hakiyay kadib afgambiga, iyadoo tallaabooyinkan ay sii adkeeyeen cadaadiska siyaasadeed ee dalka.

Burkina Faso ayaa muddo sanado ah wajahaysay weerarro ay geystaan kooxo hubeysan, kuwaas oo sababay khasaare weyn oo naf iyo maalba leh.

Militariga ayaa ku sababeeyay dib u dhaca doorashooyinka xaaladda amni darro, iyagoo muddada kala guurka ah ku kordhiyay shan sano oo dheeraad ah.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo cadaadiska siyaasadeed iyo in dib loo soo celiyo nidaamka dimuqraadiyadeed.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.