• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Isfaham hordhac ah oo laga gaaray wada-hadallada DF iyo Qoor Qoor

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Isfaham hordhac ah oo laga gaaray wada-hadallada DF iyo Qoor Qoor
Share

Wararka24: Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in horumar laga sameeyay wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee maamulka.

Kulamadan oo maray dhowr wareeg ayaa waxaa hoggaaminayay wafdi ka socday dowladda federaalka oo uu qayb ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in labada dhinac ay gaareen isfaham hordhac ah oo la xiriira qodobadii ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, la filayo inuu saacadaha soo socda gaaro Dhuusamareeb si uu uga qayb qaato dhammeystirka wada-hadallada iyo hirgelinta is-afgaradka la gaaray. Socdaalkiisa ayaa lagu wadaa inuu qeyb ka noqdo dadaallada lagu xallinayo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale laga dareemayaa diyaar-garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa. Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo nabadgelyada.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay dooneyso in doorashada madaxtinimada Galmudug ee la filayo inay qabsoonto bisha July ay ku dhacdo jawi siyaasadeed oo deggan, iyadoo sidoo kale ay jiraan warar ku saabsan musharrixiin cusub oo loo saadaalinayo inay ka qeyb galaan tartanka.

Dadka reer Galmudug ayaa si dhow ula socda natiijada wada-hadalladan, maadaama ay muhiim u yihiin mustaqbalka siyaasadeed ee maamulka. Dad badan ayaa rajeynaya in is-afgaradka socda uu horseedo xasillooni siyaasadeed iyo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Wada-hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda federaalka dadaal ugu jirto hirgelinta qorshaheeda la xiriira doorashooyinka dalka, iyadoo dhawaan isbeddel siyaasadeed uu ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.