• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo dalbaday isbeddel lagu sameeyo xilka ra’iisul wasaaraha

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mucaaradka oo dalbaday isbeddel lagu sameeyo xilka ra’iisul wasaaraha
Share

Wararka24: Warar laga helayo ilo siyaasadeed oo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka Soomaaliya ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xilka ra’iisul wasaaraha loogu magacaabo shaqsi dhex-dhexaadnimo qaadan kara, isla markaana ka madax-bannaan madaxtooyada.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay rumeysan yihiin in ra’iisul wasaare cusub oo dhexdhexaad ah uu fududeyn karo wada-hadallada siyaasadeed iyo xal u helidda muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo kala guurka dalka.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay dood sharci iyo siyaasadeed, maadaama mucaaradka laftiisu uu ku doodayo in muddo xileedka dowladda federaalka uu ku egyahay 15-ka May, taas oo su’aal gelinaysa sida ay suuragal ku noqon karto in madaxweynaha magacaabo ra’iisul wasaare cusub, isla markaana baarlamaanku ansixiyo.

Wararka ayaa sheegaya in qorshahan ay si gaar ah u taageerayaan madaxda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la tilmaamay inay doonayaan hannaan siyaasadeed oo lagu dhiso xukuumad ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.

Sidoo kale, waxaa jira warar hoose oo tilmaamaya in laga yaabo in lagu heshiiyo dhismaha xukuumad ku meel gaar ah oo ay si wadajir ah ugu lug yeeshaan dowladda iyo mucaaradka, si looga gudbo xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in wakiillo ka socda Mareykanka iyo Ingiriiska ay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyaga oo ku boorriyay dhinacyada inay heshiis ka gaaraan masiirka dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diblomaasiyiintaasi ay ka digeen in haddii aan xal siyaasadeed la gaarin, beesha caalamka ay qaadi karto go’aanno la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, iyadoo weli uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.