Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Aadan Madoobe oo si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 11, 2026, 5:47 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Aadan Madoobe oo si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Koonfur Galbeed
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay xil wareejinta, iyadoo hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa ee xilka sii hayay, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, uu si rasmi ah ugu wareejiyay masuuliyadda maamulka.

Xafladda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed, xubno ka socday hay’adaha dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Intii ay socotay munaasabadda, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku wareejiyay Madaxweynaha cusub dukumiintiyada iyo masuuliyadaha xafiiska, isaga oo ugu hambalyeeyay xilka loo doortay una rajeeyay guul iyo horumar.

Madaxweyne Aadan Madoobe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay masuuliyiintii xilka sii waday shaqadii ay qabteen muddadii kala guurka. Wuxuu ballanqaaday inuu xoogga saari doono nabadda, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta hay’adaha dowlad-goboleedka.

Doorashadii ka dhacday Baydhabo ayaa Aadan Madoobe ku helay 88 cod, taas oo u sahashay inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xil wareejintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed iyo aragtiyo kala duwan oo ku saabsan hannaanka doorashada, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay hore uga muujiyeen walaac ku aaddan qaabka loo maareeyay geeddi-socodka doorashada.

Maamulka cusub ayaa hadda wajahaya masuuliyado ay ka mid yihiin sugidda amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

19 hours ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

19 hours ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

20 hours ago
Xildhibaano Ingiris oo ka baxay guddiga barlamanka ee Somaliland kadib

Xildhibaano Ingiris oo ka baxay guddiga barlamanka ee Somaliland kadib

1 day ago
Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xududda iyado isku dhacyo la shegay

Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xududda iyado isku dhacyo la shegay

1 day ago
Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

2 days ago
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

2 days ago
Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.